MaineHousing Logo - Return To Home
Search
 
MaineHousing Outreach - Somali
Skip Navigation Links

Hay'adda Guriyaynta ee Gobolka Maine (MaineHousing) Waxay bixinaysaa mashaariic iyo waxqabad guryaha uga dhigaya dadka reer Maine wax la awoodi karoyo. Dad ka badan 90,000 oo qof ayaa sannadkan ka faa'iidaysan doona mashaariicyada. Mashruuca kaalmada waxaa ka mid ahaan kara:

Kaalmaynta guri iibsashada: (Maine Housing) waxay bixinaysaa qiimo dulsaar go'an leh iyo caawimaad kale si looga caaawiyo in guri iibsiga looga dhigo daka reer Maine mid ay awoodi karaan. Waxaa kale oo jira heshiisyo aan lagaa rabain lacag hor maris ah ama wax yar uun lagaa qaadayo, in kastoo haddii aad weli u sii baahato aan bixinno kaalmo ku wajahan lacagta dillaalka lagu kala qaato iyo hor mariska. MaineHousing lacagaha lagu iibsado guryaha ee bil walba la bixiyo waxay kuu heli kartaa heshiis kaa saamaxaya lacgtaas markaad shaqo la'aanta tahay. Haddii aad ku jirto guri aad iibsatay adigoo kaashanaya MaineHousing ka walwali maysid in gurigaaga qof kale laga gado-adigaa waligaa lahaanaya.

Kaalmada lagaa siinayo dib u hagaajinta guriga: MaineHousing waxay bixisaa mashaariic badan oo lagaaga caawinayo si aad guriga dib ugu hagaajiso wixii kaa jabana ugu samayso. Adigoo hal codsi kaliya u diraya Ururka Hagaajinta Guryaha (Home Repair Network), waxaad ka dalban kartaa mashaariicda gobolka iyo kuwa waddanka oo idil ka dhexeeya kuwaas oo bixiya dayn dulsaar jaban leh oo aad ku hagaajin karto ama ku beddeli karto ceelka guriga ama billacadda gurigu hadday dumaan,qalabka guriga kulayliya, qalabka korontada (kooraanka) ama dhismaha gurigu haddii uu u baahdo samayn iyo haddii aad u baahato inaad u samayso albaabada iyo jaran jarooyinka curyaanka. Waxaa kale oo MaineHousing ay bixisaa mashaariic guriga lagaga baabi’iyo khatarta sunta Leedhka iyo kuwo laguugu sameeyo haddii gurigaagu uu wax ku noqdo dhibaato loo aqoonsaday musiibooyinka dabiiciga ah 

Kirada oo la iska kaalmeeyo: Guryaha kiradoodu way sii qaaliyoobayaan ilaa xad ayna dad badan oo ka mid ah danyarta Maine iyo kuwo noloshoodu meel dhexaadka tahay ayna awoodi Karin. Haddaba warqadaha lagu dago gurigaad rabto oo loo yaqaan Sekshin eyd-ka, guryaha kirada la iska kabo, iyo guryaha kirada jaban lihi waxay wax ka tarayaan arrintaas. Waraaqadda loo yaqaan Sekshin Eyd-ku waxay kaa caawinaysaa sidaad isaga bixin lahayd kirada guryaha aad adigu doorato. Guryaha kirada la iska kabaa waxay siinayaan dadka shuruudahooda buuxiya guryo ka jaban sicirka suuqu joogo. Guryaha kiradoodu jaban tahay waxaa la yidhaa guryaha kiradooda lagu xaddiday meel go’an si loogu daneeyo dadka deggan. Xilliga guryaha la sugayaa wuu dheeraan karaa sidaa darted waxaa habbon inaad labada noocba hal mar wada buuxiso.

Shidaalka oo la iska caawiyo: Haddii aadan awoodi Karin inaad bixiso kulaylka gurigaaga,ama bixin kari waydo korantada, ama gurigaad deggan tahay u baahan yahay shaqooyin wax ka qabanaya isticmaalka shidaalka sida haddii uu u baahan yahay dahaadh (ama alaabta lagu cufo darbiga si guriga looga celiyo qabowga iyo kuleylka), qalabka kuleylka dhaliya oo cusub, ama qalab tashiila korontada waxaa laga yaabaa in MaineHousing ay kaa caawiyaan. Dadka dan yarta ahi waxay heli karaan kaalmo ay iskaga bixiyaan shidaalka guriga lagu kululeeyo ama wax looga qabto qalabka shidaalka ee guriga. Dadka dhaqaalohoodu meel dhexaadka yahay waxay heli karaan lacag dayn ah oo jaban oo ay iskaga bixiyaan shidaalka.

Kaalmada dadka guri la’aanta ah: Haddii aad tahay guri la’aan ama aad ugu baahan tahay meel aad u hoyato si deg deg ah, ama aad u baahan tahay guri ku meel gaar ah ama guri laguu raqiisiyey inta aad dhaqaale ahaan ka soo kabanayso, waxaa laga yaabaa in MaineHousing ay ku caawin karto. Waxaan bixinnaa hoy ku meel gaar ah iyo siyaabo kale oo lagu helo guryo jaban, waxaanan kaa caawin karraa sidaad u soo heli lahayd guryaha noocaas ah. Waxaa kale oo aan kiro ka dhiibnaa dadka guri la’aanta ah ee u shaqaysanaya siday u gaari lahaayeen isku-fillaansho. MaineHousing iyo hay’adaha lamidka ah ee ay wada shaqeeyaani waxay ku dadaalayaan siday u baabi’in  lahaayeen hoy la’aanta ka jirta gobolka Maine.

Wixii war bixin ah ee dheeraad ah ee ku saabsan mashaariicda iyo wax qabadka MaineHousing kala soo xiriir Telefoonka:

  • (800) 452-4668 Ama
  • (207) 626-4600 ou 
  • Dadka dhagaha culus ama dhagaha la’ TTY (800) 452-4603. 

Haddii aadan u dhalan luqada Ingiriisiga ama uu kugu adag yahay hadalka, akhrinta, qoraalka.ama fanka luqadani, fadlan sug inta lagugu xiriirinayo qof turjumaan ah oo ku hadla luqadaada kaasoo noo soo gudbin kara codsiga warbixntaada. MaineHousing waxaa u diyaar ah warbixin iyo sharci lagu tarjumay afaf kala duwan haddii aad codsato. 

MaineHousing malaha midab kala sooc ku salaysan Isirka, Midabka, diinta, Jinsiga (lab ama dhaddig), Labeebnimo ama caadi, Jinsiyadda (waddanka aad u dhalatay) ,Qabiilka, da’da, laxaad la’aanta Jirka ama kan Maskaxda ama Xaaladdaada xaas ahaaneed marka ay tix gelinayaan codsigaaga, ama ku aqbalayaan ama sida ay kuula macaamilayaan ama marka ay ku shaqaaleynayaan ama mashaariicdooda iyo waxqabadkooda kaleba.
MaineHousing waxay bixinaysaa turjumaan ama qalabka kaalmeeya maqalka marka aad codsato.
MaineHousing waxaa kale oo ay kuu heli kartaa warqaddan oou qaran hab kale marka aad bixiso ogeysiis ku habboon.MaineHousing waxay u xil saartay qofka hoos ku qoran si ay u xaqiijiso in aan raacno dhammaan sharciyada gobolka iyo kuwa waddanka u degsan ee mamnuucaya midab kala sooca.isla markaana ay u dhagaysato wixii cabasho ah ee naloo soo jeediyo: Mary Darling, Maine State Housing Authority (hay’adda Guryaha ee Gobolka miane), 353 water street, Augusta, maine 04330-4633, Telefoonkeeduna yahay1-800 452-4668 (gobolka gudihisakaliya ayaa laga soo wici karaa), ama (207) 626-4600 (cod), 1-800-452-4603 (telefoonka dadka dhagaha la’ ama dhagaha culus oo gobolka gudihiisa kaliya ah) ama (207) 623-2985(dhagoolaha).

About Us Careers Edu & Tools Contact Us Energy Star Partner

MaineHousing ▪ 353 Water Street ▪ Augusta, Maine 04330 ▪ (800) 452-4668 ▪ (207) 626-4600 ▪ TTY (800) 452-4603 ▪ Fax (207) 626-4678

Français Español Soomaali Tiếng Việt Srpski По-русски العربية Acooli فارسى Khmer 主頁
External LinkMaineHousing does not support or endorse external links.
Home Privacy Policy Site Map
© 2009 MaineHousing. All Rights Reserved